Xiriirka kubadda cagta dalka Falastiin oo warqad ammaan iyo mahad celin ah usoo diray Barcelona… (Maxay tahay sababta?)

0
195

Barca ayaa kulan saaxiibtinnimo kula balansaneyd naadiga Beitar Jerusalem kaasoo ku jadwaleysnaa inuu dhaco 4-ta bisha Agoosto, balse Blaugrana ayaa joojisay qorshihii ciyaartaas kaddib markii kooxda Israa’iil ka dhisan ay diidday inay baddesho halka lagu ciyaaro.

Taasi waxay dhalisay in Jeneraal Jibril Rajoub ah madaxweynaha xiriirka kubadda cagta dalka Falastiin uu Barcelona ku ammaano inay kooxda Yuhuudda laga leeyahay ka diiddo inay kula ciyaarto magaalada Jerusalem oo ay ku muransan yihiin dowladaha Israa’iil iyo Falastiin.

“Xiriirka PFA (Palestinian Football Association) waxa uu ammaanayaa go’aanka Barcelona ay ku xushmeysay xuquuqda Palestinian Football Association iyo malaayiinta taageerayaasha ah ee ku faraxsan go’aankan” ayaa ku qornaa warqad uu Jibril Rajoub usoo diray madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta.

Dhinaca kale, mulkiilaha naadiga Beitar Jerusalem ee Moshe Hogg ayaa sheegay inaysan kooxdiisa diyaar u ahayn ciyaarta kooxda reer Spain haddii ay ka dhaceyso meel ka duwan Jerusalem.