Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan barlamaanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa toddobaadkan warqad ay u qoreen Xoghayaha Arrimaha Dibadda David Lammy ku dalbaday in Boqortooyada ay u aqoonsato Dhulka Falastiniyiinta dowlad dameystiran.
Warqada ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in Israa’iil ay Qaza ka waddo isir sifayn.
59-ka sharci yaqaanada, oo dhamaantood ka socda xisbiga shaqaalaha ee xukunka hayo, ayaa dhaleeceeyay qorshaha Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ee ah in dhammaan 2.1 milyanka qof eek u nool Qaza la geeyo waxa uu ugu yeeray “magaalada Bini’aadantinimada” ee laga dhisay burburka magaalada Rafah.
Warqadda, oo loo diray Lammy Khamiistii oo si rasmi ah loo soo bandhigay Sabtidii, ayaa soo xigatay qareenka xuquuqda aadanaha ee Israa’iil Michael Sfard isagoo sheegay in tallabada Falastiniyiinta lagu geeynaayo Qaza ay tahay mid isir sifayn ah oo lagu doonaayo in dhammaantood laga masaafuriyo Marinka.
Waxaa ay ku booriyeen xoghayaha arrimaha dibadda inuu joojiyo “qorshaha howlgalka Israa’iil ee dambiyada ka dhanka ah aadanaha”. Waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen Xukuumadda London inay raacdo tallada Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu doonayo inuu aqoonsado dowlad Falastiiniyiin ah.