Xidhiidhka FA Oo Ka Hadlay Xiddig Manchester United Ka Tirsan Oo Cunsuriyeeyey Andre Onana

0
142

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee FA ayaa ka hadlay fal layaableh oo uu ku kacay xiddiga Manchester United ee Alejandro Garnacho oo uu ku cunsuriyeeyey goolhayaha naadigiisa ee Andre Onana, taas oo keentay inuu si degdeg ah uga saaro baraha bulshada oo uu markii hore soo dhigay.

Kaddib ciyaartii FC Copenhagen ee Andre Onana uu badbaadiyey naadigiisa oo rikoodhe lagu dhigay daqiiqaddii ugu dambaysay, ayaa waxa falcelin aan looga fadhiyin oo illaa hadda waxa uu uga jeeday aan la garanayn sameeyey Alejandro Garnacho.

Da’yarka reer Argentina ayaa waxa sawirka Onana uu ku hoos dhigay sawir daanyeer oo madow oo loo fahmay inuu cunsuriyeynayo, taas oo keentay in xidhiidhka FA uu sameeyo baadhitaan ka dhan ah 19 jirkan.

Afhayeen u hadlay FA-ga ayaa waxa uu sheegay in falcelinta Alejandro Garnacho ay tahay mid la fahmi karayo, waxaana la sheegayaa in ay suurtogal tahay in laacibkan uu mutaysto ganaax.

Laakiin Andre Onana ayaa qoraal uu ku difaacanayo Alejandro Garnacho ku daabacay bartiisa Instagram, waxaana uu yidhi: “Dadku ma dooran karayaan waxa aniga la igu weerarayo. Anigu si dhab ah ayaan u garanayaa waxa uu Alejandro Garnacho ula jeeday arrintan, waxay ahayd in uu ituso in aan ahayd mid awood badan oo xooggan.”