Xidhiidhka FA Oo Doonaya In Ciqaab Adag La Marsiiyo Jurgen Klopp

0
128

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa rafcaan ka qaatay ganaaxii lagu riday tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp, kaddib markii uu garsooreyaasha ku xanaaqay kulankii Manchester City ee bishii hore, waxaana uu xidhiidhku doonayaa in ciqaab adag la marsiiyo.

Guddida Anshaxa ayaa waxay October 27 ku ridday Klopp ganaax dhan £30,000  milkyan oo Gini oo lacag kaash ah iyadoo lagu eedaynayay ficilkii uu sameeyey ciyaartii City ee October 16, waxaana Klopp uu markiiba saxaafadda u sheegay inuu aqbalay inkasta oo uu ku dooday in uu raalligelin siiyey garsoorihii ciyaarta.

Ganaaxan ayaa waxa kasoo horjeedsaday xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska oo saluugsan in ciqaabta lagu riday Klopp aanay ahayn middii mudnayd, waxaanay rafcaan ka qaateen ganaaxa iyaga oo doonaya in ciyaaro laga ganaaxo.

Klopp oo ka cadhooday qalad uu Bernardo Silva kula kacay Mohamed Salah, ayaa waxa uu si toos ah ugu tegay Gary Beswich oo ahaa calan-wadaha, waxaana uu ku tuuray hadallo kulan oo sababay in garsoore Anthony Taylor uu kaadh casaan ah siiyo.

Bishii September ayaa uu xidhiidhka FA-gu bilaabay olole hal-ku-dheg looga dhigay ‘Enough is Enouth’ oo tababareyaasha loogu sheegayo in aanay sii wadi karin inay garsooreyaasha aflagaaddeeyaan.