Xiddigo Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Real Madrid.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dhaawacyada ayaa ku sii badanaya kooxda Real Madrid fasaxa xulalka iyada oo uu ka dhaawacmay xiddig.

Real Madrid ayaa kulamo waaweyn ciyaari doonta kadib fasaxa xulalka kana mid yihiin champions League iyo horyaalka La Liga.

Los Blancos waxa ka dhaawacmay xiddiga reer France ee Ferland Mendy iyo Aurélien Tchouaméni kuwaas oo ku dhaawacmay waajibaadka xulkooda.

Eder Militao ayaa lagu qasbay inuu ka tago xerada xulka qaranka Brazil ka dib markii uu ku dhaawacmay tababarka xulkiisa.

Wargayska ayaa sheegaya in xiddiga reer Brazil uu dhaawac go’niin ah ka soo gaadhay muruqa lugta midig.

Xiddiga Militao ayaa ku soo laabtay Real Madrid si uu u qaato daawayn ku saabsan dhaawaca.