Xiddigii Suuqii January Looga Dhaartay Man United, Liverpool Iyo Barcelona Oo Suuqa Lasoo Dhigay

0
69

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bartilmaameedkii suuqii January ee kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Barcelona ee Sofyan Amrabat ayaa la sheegayaa in kooxdiisa Fiorentina xagaaga soo socda u furan tahay inay iibiso.

Amrabat ayaa inta ugu badan si gaar ah loola xidhiidhinayay Barcelona iyo Camp Nou oo ahaa halka isaga qalbigiisu jiray ee uu doonayay.

Sofyan oo muhiim u ah kooxdiisa Viola ayaa si gaar ah loogu bartay Koobkii Aduunka isagoo ka dhex ifayay xulkii wacdaraha dhigay ee Morocco.

Marka laga yimaado wararka xanta ah, 26 sano jirkaas ayaa baaqi kusii ahaaday Fiorentina iyadoo kooxdiisu wakhtigaas ka dhaaratay inay amaah ku fasaxdo.

Marka laga yimaado inaan wax xog cusub ah laga helin arrimaha Sofyan mudooyinkii ugu dambeeyay haddana haatan ayuu wakiilkiisa Mohamed Sinouh daboolka ka qaaday in Viola diyaar u tahay inay xagaaga iibiso.

“Haatan wax dalab ah uma hayno suuqa xagaaga balse Fiorentina waxay rajaynaysaa inay dhagaysan doonto” ayuu wakiilka Amrabat sheegay sida Mundo Deportivo laga soo xiganayo.

“January dalabaad badan ayaanu helnay oo ay kamid ahaayeen kuwo ka yimid Man United iyo Barcelona balse heshiis ayaa la gaadhi kari waayay.

Iyadoo Liverpool sidoo kale mudo lala xidhiidhinayay Amrabat ayay Fiorentina dalabaadka 25-ka Milyan ee euro gaadhsiisan u furan tahay xagaaga.