Xiddigii hore ee xulka qaranka Ghana, Kwadwo Asamoah oo ka fiirtay ciyaarista kubadda cagta

0
172

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray xulka qaranka Ghana ee Kwadwo Asamoah ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta.

Asamoah ayaa intii uu ku guda jiray xirfaddiisa ciyaareed, waxa uu ku guuleystay 13 koob oo waa weyn, waxa uu saftay 279 kulan horyaalka Serie A, isagoo 250 kulan safka hore ku soo billowday, waxaana uu dhaliyey 12 gool, isagoo caawiye ka ahaa 24 gool oo kale muddadaas.

33-sano jirkaan ayaa hysta rikoorka ciyaaryahan Afrikaan ah ee ugu safashada badan horyaalka Serie A-da Talyaaniga, isagoo u soo ciyaaray Kooxaha Udinese, Juventus, Inter Milan iyo Cagliari.

Laacibkan khadka dhexe ayaanan wax kulan ah ciyaarin tan iyo markii uu ka tagay Kooxda Cagliari sanadkii 2021, waxaana uu haatan go’aansaday inuu kabaha uu ku ciyaaro kubadda cagta iska siibo oo uu ka fariisto ciyaarista kubadda cagta si uu u bilaabo cutub cusub, isla markaana uu u noqdo wakiil kubadda cagta ah.

Asamoah ayaa sidoo kale saftay 32 kulan oo UEFA Champions League ah iyo 16 kulan oo Europa League ah, isagoo wadar ahaan saftay 17 kulan oo Coppa Italia ah.

Asamoah ayaa 71 kulan u ciyaaray xulka qaranka Ghana, isagoo u dhaliyey afar gool tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay xulka lagu magacaabo Black Stars 11-ka bishii Febraayo sanadkii 2009.

Waxa uu metelay xulka Ghana afar sano oo kala duwan Koobka qarammada qaaradda Afrika ee Africa Cup of Nations sanadihii 2008, 2010, 2012 & 2013.

Asamoah ayaa sidoo kale xulka qaranka Ghana kala qeyb-galay Koobkii Adduunka ee 2010 iyo Koobkii Adduunka ee 2014.