Xiddiga Dhawaan Ku Soo Biiray Man City Oo Dhaawacmay.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City waxa ay soo martay xilli ciyaareed adag ilaa iyo hadda, marka loo eego heerarkooda.

Nasiibkooda xun ayaan halkaas ku joogsan waxana ay ku dhibaatoodeen dhaawacyo.

Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Leyton Orient.

Nasiibadii dhaawacyada ayaa halkeedii ka sii socotay iyada oo dhaawac ku lumisay xiddig kale.

Xiddiga cusub ee kooxda Nico Gonzalez ayaa dhaawac uga baxay kulankii Leyton Orient ee FA Cup.

Xiddiga Gonzalez ayaa lagu badalay xiddig khadka dhexe ee Bernardo Silva.