Xiddiga Ay Ku Qabsanayaan Liverpool, Naadiga Ay Adhaxda Soo Jabinayaan Iyo AFARTA Ciyaartoy Ee Chelsea La Saxeexanayso Haddii Ay Weydo Caicedo

0
72

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa inkasta oo ay wada-hadallo horleh kula jirto Brighton oo  aanay ka quusanin xiddiga dhawrka jeer loo diiday ee Moises Caicedo, waxa haddana ay calaamadsatay afar ciyaartoy oo kale oo ay midkood la saxeexan doonto, haddii ay ku guul-darraystaan damacooda kubbad-burburiyaha reer Ecuador.

Mauricio Pochettino ayaa ku jira maalmo mashquul ah oo uu daraasaynayo ciyaartooyo dhawr ah oo uu midkood u xulanayo kubbad-burburiyaha kooxdiisa, kaddib bixitaankii N’Golo Kante oo ka degay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al Ittihad.

Pochettino ayaa rumaysan in kooxdiisu aanay tartami kaaraynin illaa ay hesho ciyaartoy tayadiisu sarrayso oo waardiyeeya difaaca, isaga oo waliba ogsoon in kooxdiisu ay lumisay ciyaartoydii khibradda lahaa sida Mateo Kovacic oo tegay Manchester City, N’Golo Kante oo ka degay Al Ittihad, Mason Mount oo u wareegay Manchester United iyo Ruben Loftus-Cheek oo ay qadatay AC Milan.

Brighton ayaa diiddan inay gorgortan ka gasho qiimaha ay ku xidhay Moises Caicedo oo ah £100 milyan oo Gini, iyadoo la ogyahay in suuqii January ay sidan oo kale ugu diidday Arsenal oo si weyn u doonaysay, balse markii dambe qaadatay Jorginho.

Sida uu qoray wargeyska The Times, Pochettino ayaa waxa uu haystaa liis ay ku qoran yihiin afar ciyaartoy oo kala ah Romeo Lavia oo u dheela Southampton oo ay doonayso Liverpool, Tyler Adams oo heerka labaad ula dhaadhcay Leeds United, Edson Alvarez oo khadka dhexe uga dheela Ajax iyo Gabri  Veiga oo Celta Vigo u ciyaara.