Xiddig U Dheela Liverpool Oo Shaaciyay Inuu Ka Tagayo Kooxda Dhamaadka XIlli Ciyaareedkan

0
103

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jurgen Klopp kaliya ma noqon doono shaqsiga ka tagaya Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo ciyaaryahan Reds ah uu shaaciyay inuu doonayo inuu baxo xagaaga.

Xagaagii la soo dhaafay ciyaartooy badan ayaa ka tagay Liverpool sida Jordan Henderson, Alex Oxlade-Chamberlain, Fabinho, Naby Keita, Roberto Firmino iyo James Milner.

Inkastoo sidaas oo kale aysan la mid noqon doonin hadana daafaca Sepp van den Berg ayaa qirtay inuu doonayo inuu ka tago kooxda si uu u raadsado koox uu boos joogta ah ka helayo.

Liverpool ayaa daafaca dhererka badan kala soo wareegtay kooxda reer Holland ee PEC Zwolle sannadii 2019kii, iyagoo saxiixiisa ku garaacay kooxaha Bayern Munich iyo Ajax.

Waxa uu ciyaaray afar kulan xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kooxda isagoo kulankiisii ugu horeysay saftay kulankii ay barbaraha 5-5 la galeen Arsenal.

Laakiin Van den Berg ma uusan ciyaarin tan iyo markaas isagoo amaah ku qaatay waqtigiisa.

Waxa uu amaah ku tagay kooxda heerka labaad Preston ka hor inta uusan amaah ugu dheelin kooxda Schalke xilli ciyaareedkii hore.

Xilli ciyaareedkan waxa uu amaah ku joogaa kooxdii hore ee Jurgen Klopp ee Mainz isagoo u saftay 24 kulan tartamada oo dhan.

22 jirkaan ayaa wacdarro dhigaya iyadoo qandaraaskiisa Liverpool ay uga harsan tahay seddex sannadood.

Van den Berg ayaa qirtay inuu ku qasban yahay inuu kooxda ka tago si uu u raadsado kubad joogta ah.

“Haddii aan ku laabto Liverpool, waxay doonayaan inaan la sii joogo. Haddii aan heli waayo waqti badan oo aan ku ciyaaro markaas waxaan dooran doonaa inaan baxo. Muhiim ayay uu tahay inaan ciyaaro” ayuu Van den Berg u sheegay Voetbal Nieuws.

“Sannadihii la soo dhaafay ma aanan dareemeynin inaan ka garab ciyaari karo Virgil van Dijk. Ma garanayo inta ay fursadeyda la eg tahay xagaaga soo socda. Waxaan aaminsanahay inaan shaqo fiican qabanayo. Waan xamili karaa inaan u dheelo Liverpool. Waan u tartami karaa booskeyga. Laakiin ma ahan wax sahlan in booska laga galo Virgil iyo Konate. Waan ogahay inay adkaan doonto