Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayay la soo daristay dhaawac kale ka dib markii Manuel Ugarte dhaawac muruqa ah ka soo gaaro ciyaartii Uruguay ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Ecuador.
Ugarte ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Man United tan ilaa markii uu United kaga soo biiray PSG isaga oo aan xitaa ciyaarin labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Aston Villa iyo Fc Porto.
Laakiin Ugarted ayaa ciyaaray kulankii xulkiisu la ciyaaray xulka Ecuador kadib markii uu 90 daqiiqo ciyaaray kulankii ka horeeyay ee Peru.
Ugarted ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kaliya hal kulan intii uu ku soo biiray Man United waxana ay u ekayd in uu ciyaari doono ciyaarta oo dhamaystiran kulankii ugu dambeeyay ka hor inta uuna xanuun dareemin daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Sida laga soo xigtay majaladda Tenfield ee Uruguay, Ugarte ayaa isku tuuray dhulka, wuxuuna codsaday in la bedelo, iyadoo Nicolas Fonseca uu badalay intii ka dhimanayd ciyaarta.
Wararku waxa ay sheegayaan in uu Ugarted xanuun ka dareemay muruqa bowdada midig waxana la arkay iyada oo baraf lagu duubay lugta uu xanuunka ka dareemay.
Inkastoo inta uu dhaawacu leegyahay cadayn hadana waxa ay shaki galinaysaa ka qayb galka Ugarted ee kulanka Brentford ee premier League.