Xiddig Man City Muhiim u ah oo La Xaqiijiyay in uu Seegi Doono Kulanka Liverpool.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manuel Akanji ayaa ugu yaraan 8 todobaad ka maqnaan doona Man City kadib markii xiddigu maray qaliin sinta ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo intii lagu jiray guuldaradii 3-2 ee City ka soo gaartay gurigeeda Real Madrid ee Champions League habeenkii Salaasada.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Akanji uu haatan maqnaan doono ugu yaraan sideed isbuuc, taasoo la micno ah in daafaca uu maqnaan doono ugu yaraan sideed kulan oo Premier League ah, oo ay ku jiraan kulanka soo socda ee Newcastle United sabtida, iyo sidoo kale kulanka ay gurigooda kula ciyaari doonaan Liverpool 23 February.

Akanji ayaa sidoo kale maqnaan doona kulanka lugta labaad ee City ay la ciyaari doonto Madrid todobaadka soo socda, iyo sidoo kale kulanka FA Cup-ka ee ay la ciyaari doonaan Plymouth 1-da March.