Xiddig Liverpool Ah Oo Lagu Ammaanay Doorkiisa Cusub Ee Qarankiisa

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Hungary iyo xiddiga Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa lagu ammaanay in uu noqon karo “mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka” kadib markii uu muujiyay qaab ciyaareed heer sare ah isagoo ka ciyaaraya boos cusub oo aan hore loogu adeegsan.

24-jirkan ayaa caadi ahaan ka ciyaara khadka dhexe weerarka, balse xalay ayuu si lama filaan ah uga ciyaaray booska khadka dhexe ee difaaca (Number 6) xilli ay Hungary barbaro 2-2 ah la gashay Ireland. Inkasta oo xulkiisu ay garoonka ku ahaayeen 10 ciyaaryahan kaddib kaar cas oo loo taagay Rolland Sallai, haddana Szoboszlai waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed xooggan oo uu ku diiwaan galiyay caawin.

Macallinka Hungary Marco Rossi ayaa yiri: “Ciyaarta difaac ee Dominik Szoboszlai waxay ahayd mid wanaagsan. Wuxuu horey ugu caddeeyay Premier League in uu ka ciyaari karo boos kasta, laakiin waxaan aaminsanahay in uu noqon karo mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka ee booska difaaca dhexe.”

Szoboszlai, oo Liverpool kaga soo biiray RB Leipzig sanadkii 2023 lacag dhan £60 milyan, ayaa durba muujiyay karti badan iyo la qabsasho boos kasta. Goolkiisii laadka xorta ahaa ee cajiibka ahaa ee ka dhanka ahaa Arsenal ayaa sii xoojiyay kaalintiisa muhiimka ah ee kooxda Arne Slot.