Xiddig Ka Xun In Man United Lasoo Wareegto Osimhen & Sababta Layaabka Leh Oo La Ogaaday!

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Victor Osimhen Oo Diyaar U Ah Inuu La Hadlo Man United Balse Shuruudihiisa Oo Bruno Fernandes Ka Caraysiin Kara

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si weyn ugu baahan weeraryahan cusub.

Weeraryahanka Galatasaray, Victor Osimhen, ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu dhageysto dalabyada ka imaanaya Manchester United xagaagan.

Xiddiga reer Nigeria ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga tago Napoli marka uu dhamaado xilligii amaahda ee uu ku joogay Turkey. Heshiiskiisa waxa ku jira qodob lagu fasaxayo oo gaaraya £62 milyan, taasoo ay kooxo badan xiiseynayaan maadaama uu dhaliyay 86 gool saddexdii xilli-ciyaareed iyo badhkii la soo dhaafay.

Manchester United ayaa si weyn ugu baahan weeraryahan tayo sare leh, maadaama ay horey lacag badan uga bixiyeen Rasmus Hojlund iyo Joshua Zirkzee, balse aysan wali helin waxqabadkii la filayay.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Osimhen ayaa u “furfuran” marka ay timaado dhageysiga dalabka Man United haddii ay la soo xiriiraan xagaagan. Wuxuu ka mid yahay weeraryahanada ay xiiseynayaan kooxo badan oo ka ciyaara, Premier League iyadoo uu xilli-ciyaareedkan dhaliyay 20 gool 26 kulan oo uu saftay.

Balse Romano waxa uu intaa ku daray in mid ka mid ah shuruudaha ugu muhiimsan ee Osimhen uu yahay inuu helo mushaharkiisa haatan ee Napoli, taasoo la micno ah £10 milyan sanadkii (qiyaastii £413,000 toddobaadkii).

Shuruudahaas culus ayaa la rumeysan yahay inay ka xanaajin karaan Bruno Fernandes, kaasoo haatan ah mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushahaarka badan kooxda.