Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa sii wada shaqadiisa si uu u xoojiyo kooxdiisa, waxaana liiska saxiixyada uu wali ka doonayo suuqa xagaagan ku jira ciyaaryahan hore ee Barcelona.
Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Sun ee ka soo baxa Ingiriiska, Arsenal ayaa daawanaysa laacibkii hore ee Barcelona Arthur Melo, kaas oo hadda la ciyaaraya Juventus, iyadoo la eegayo wararka sheegaya in laga reebay safarka Bianconeri ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Mareykanka.
Warbixinta ayaa tilmaamtay in magaca Milo in muddo ah lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal, waxaana uu ku dhawaaday inuu ogolaado qandaraas labo sano ah oo amaah ah bishii January.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in macalinka kooxda Juventus uu raadinayay xiddig si wanaagsan uga ciyaari kara khadka dhexe oo aan ahayn Arthur Melo, waxaana hadda uu helay adeega Paul Pogba kaddib markii uu dib kaga soo laabtay Manchester United.
Arthur waa 25 jir, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista khadka dhexe ee kubad bur burinta waxaana qandaraas uu kula jiro kooxda Juventus uu soconayaa illaa June 2025.
Xiddigan reer Brazil ayaa u soo dhaqaaqay Juventus 2020 markaas oo uu kaga soo biiray Barcelona, tan iyo markaas waxa uu u ciyaaray Juve 63 kulan, isagoo dhaliyay gool isla markaana caawiyay gool kale.