Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Benjamin Pavard ayaa ka hadlay go’aankiisa ku aadan inuu u dhaqaaqo Manchester United kaddib markii lala xiriiriyay suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.
Magaca Man United ayaa ka soo muuqday liiska kooxaha xiisaynaya adeega Pavard kaas oo qaab ciyaareed heer sare ah ka soo wada kooxda Bayern iyo xulka qaranka France, balse wuxuu go’aansaday in xirfadiisa ciyaareed ee kubadda cagta ku dhameysto kooxda reer Germany.
Wargeyska Metro ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Benjamin Pavard, waxaana uu yiri:
“Waxaan naftayda waydiiyey wicitaanada aan ka helay kooxo kala duwan oo la soo xiriiray wakiilkeyga.”
Xiddiga Bayern oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Intaas kaddib waxaan la hadlay tababaraha Bayern Munich, kaasoo aan xiriir wanaagsan la leeyahay.” wuxuuna raaciyay, “Waxa uu iga dhaadhiciyay in aan ku jiro qorshayaashiisa iyo in aan muhiim u ahay kooxda.”
Pavard ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray: “Waxaa laga yaabaa in aan maalin uun aado kooxahan, ma garanaysid waxa mustaqbalka dhici doono, wali waxaan joogaa Bayern Munich, waxaana haysanaa wakhti.”
Benjamin Pavard waa 26 sano jir, wuxuu ku fiican yahay ka ciyaarista daafaca dhanka midig, wuxuuna qandaraas kula jiraa Bayern Munich ilaa June 2024.