Xeer ilaalinta Gobolka Baay Oo Digniin ka soo saartey Lunsashada Gargaarka Bani’adanimo

0
31
Screenshot

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)- Digniintan ka soo baxdey Xeer ilaalinta Maxkamada Gobolka Baay ayaa ku wajahneyd dadka Lunsada Gargaarka Bani’aadanimo Macawaanada kala duwan loogu tala galay dadka tabaaleysan sidoo kale dad iska dhiga in ay Hey’adaha Gargaarka ka socdaan sidaas ay ku dhacaan dadka danyarta iyagoo loogu faaideysano duruufaha ay la nool yihiin

Xeer ilaaliyaha Gobalka Baay Muqtaar Dooraale Oo Shir Jaraa,id ku qabtey Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta la wadaagey digniinta ay soo saareen ee ku aadan ka hortagista Gargaarka Bani’aadanimo ayaa sheegey in dadka loogu tala galay Kaalmooyinka Caalamka bixiyo aysan si sax ah u gaarin isagoo xusey in dadka lagu soo qabta ay Sharciga marsiin doonaan.

Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawarameysa