Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Macalinka kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday sabab qariib ah oo uu Lionel Messi u diiday kusoo laabashada kooxdaasi isagoo doorbiday horyaalka Maraykanka ee Major League Soccer.
Lionel Messi ayaa diiday labada dalab ee loo arkayay kuwa ugu cad cad oo ahaa Barcelona iyo Saudi Arabia wuxuuna doorbiday Inter Miami oo la filayo inuu heshiis afar sano ah qalinka ugu duugo.
Xavi oo kaddib go’aanka Messi waraysi bixiyay ayaa sheegay in sababta cajiibka ah ee Messi uga cararay kusoo laabashada Barcelona uu doonayo nolol degen oo aan hadal hayn badan lahayn.
“Inta badan nafaheena ma dhigno booska shaqsiyaadka kale, damqashada inaga maqan, ahaanshaha Messi maaha wax sahlan” ayuu tababaraha Barcelona u sheegay wargeyska Portuguese-ka ah ee Ge.