Xavi oo ka codsaday Pique inuu ka tago Barcelona & xiddiga oo go’aan cad qaatay

0
168

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wargeysyada Spain ayaa maanta oo Isniin ah waxay shaaca ka qaadeen inay kulan wada qaateen tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez iyo daafaca kooxda Gerard Pique.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sports” ee dalka Spain, Xavi ayaa la kulmay Pique labo isbuuc kahor, wuxuuna u sheegay inuusan ku tiirsanaan doonin inta badan xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska ayaa tilmaamay in kulanka uu ahaa mid adag sababtoo ah Xavi ayaa si cad ula hadlay Gerard Pique, laakiin shaki ma uusan gelin qiimihiisa kubadda cagta waqti kasta.

Xavi ayaa u arka in Pique uu wali leeyahay tayo aan la dafiri karin, laakiin waxa uu shaki galiyay in uu jidh ahaan u adkaysan karo xilli ciyaareedka soo socda.

Xavi ayaa aaminsan in Pique uusan diirada saarin kubada cagta sababo la xiriira shaqooyinkiisa ganacsi oo aad badan, marka lagu darro dhibaatooyinka heysta ee ka baxsan ciyaaraha.

Xavi ayaa fariin u diray Pique in xalka ugu fiican uu yahay inuu kooxda uga tago si sharaf leh sida ugu macquulsan, isaga oo ka tanaasulaya qeyb muhiim oo ka mid ah lacagaha uu ku leeyahay Barcelona, sida uu sameeyay Carles Puyol.

Pique ayaa si cad u diiday goo’aankan, waxaana uu doonayay inuu beeniyo dhammaan soo jeedinta macalinka, isagoo carabka ku adkeeyay inuu si ka badan sidii horeba u tababari doono, si uu dib ugu hele awoodiisa ciyaareed ee ugu fiicnaa heer jireed.

Yeelkeeda, Pique ayaa Barcelona kula jira heshiis dhacaya June 2024, kooxda ayaana lagu leeyahay 40 million euros.