XASUUQ: Arsenal oo Dhulka Ku Jiiday Man City.

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Arsenal ayaa Xasuuqday Man City kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa premier league.

Arsenal ayaa daqiiqadii 2-aadba dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay kabtanka kooxda Martin Odegaard kaas oo hogaanka u dhiibay Kooxdiisa.

Man City ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin taasi uma suurtagalin.

Wax sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Arsenal hogaaminayso.

Qaybta dambe ayay Man City si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay doonayeen in ay soo laabtaan.

Daqiiqadii 55-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1\1.

Laakiin Arsenal ayaa isla markiiba dib ula wareegtay hogaanka waxana Goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga Thomas Partey kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Arsenal ayaan halkaas ku joogsan waxana Goolka u dhaliyay xiddiga Lewis-Skelly kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Xiddiga Havertz ayaa daqiiqadii 76-aad dhaliyay goolka 4-aad ee Kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/1.

Xiddiga da’yarka ah ee Ethan Nwaneri ayaa daqiiqadii ugu dambeeysay Gool wareer ah u dhaliyay Kooxdiisa kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Waxa sidaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal Xasuuqday Man City.