XASAASI: Man United Oo Ku Hungawday Dalab Ay Ka Gudbisay Bryan Mbeumo.

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Brentford ayaa diiday dalab furitaanka Manchester United oo ku kacayay 55 milyan oo euro oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Bryan Mbeumo.

Mbeumo ayaa ku wargaliyay Brentford rabitaankiisa ku aadan ku biirista Manchester United, iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu iska diiday xiisihii ay ka qabeen kooxaha Premier League ku xifaaltama ee Old Trafford.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon ayaa qandaraaskiisa haatan ku jira kaliya 12 bilood, inkastoo Brentford uu haysto hal sano oo dheeri ah.

Sky Sports ayaa ku warameysa in Brentford ay diyaar u tahay inay Mbeumo ku iibiso qiimo sax ah balse ay ku qiimeeyaan 25 jirkaan in ka badan 60 milyan oo euro.

Mbeumo ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 20 gool horyaalka premier League waxana uu ku daray 8 caawin.

Waxaa loo arkaa mid ku habboon nidaamka Ruben Amorim, iyadoo Manchester United ay raadineyso inay goolal iyo jir ahaanba ku darsato kooxdeeda xilli ciyaareedka soo socda.