Xaruumaha lagu dhaqdo Geela oo ku soo badanaya gudaha Magaalada Baladweyne.

0
152

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Hirgalinta xeryo cusub oo abaarta loga saarayo geela ay saameyeen Abaraha ayaa laga furay Magaalada Baladweyne labdii bilood ee u dambeeyay.

In ka badan 30 xeryo oo cusub ayaa laga furay todobaadyadii la soo dhaafay qeybo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka hiiraan.

Cilmi Cabdi Xerow waa Guddoomiyaha Midowga Geeleyda Baladweyne waxaa u sheegay in sababata ka danbeysay in geela lagu soo xareeyo gudaha Magaalada ay tahay in ay abaaro ka dilaaceen qeybo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sido kale Cilmi waxaa u sheegay in geela markii la soo xareenayay uu aad u liitay balse dadaal badan kadib waxa u sheegay in aad uga fiican yahay sidii hore islamarkaana caanaha laga liso loo suuq geeyo gudaha Magaalada Baladweyne.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan ku eegaya