Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo Mudane Cabdirashiid Caroog iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ayaa saaka dhagax dhigay dhismaha xarun caafimaad oo loogu tala galay in lagu daweeyo dadka qaba xanuunka dhimirka.
Dhismaha xaruntan caafimaad ayaa bilawgeeda waxaa iska kaashanaya Jaaliyada dadka Deegaanka ee wadanka Denmark iyo bulshada Baladxaawo, iyadoona bilowga dhismahan loo soo wakiishay Muasasada khayriga ah ee Al Raxma.
Munaasabada dhagax dhigga xaruntan ayaa waxaa goob joog ahaa madaxa caafimaadka degamda, Injineero, Ganacsato iyo masuuliyiin ka socotay muasasada Al Rahma.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya