Xarumo ay leedahay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS oo laga hirgaliyay Dekedda Muqdisho.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed oo uu waheliyo Wasiirka Dekadaha ayaa Maanta xadhiga ka jaray xaruumo cusub oo ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ka hirgalisay Dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho.

Xaruumaha oo kala ah shaybaarka dhexe ee xoolaha qaybta Shahaado bixinta xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo gobaha xoolaha lagu nasiyo inta aan laga dhoofin Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho waxaana dhismahooda Malgaliyay Bangiga Horumarinta Africa waxaana fulisay Hay’adda Save The Children.

Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa