Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa ilaa haatan suuqa ka samaysay saxeexyo dhawr ah balse caqabadooda ayaa ahayd inay iska diraan xiddigaha aan qorshahooda ku jirin.
Barca ayaa dhammaysay saddexda saxeex ee waaweyn ee kala ah Ilkay Gundogan, Inigo Martinez iyo da’yarka weerarka ee Vitor Roque.
Sida uu dhawaan ka dhawaajiyay madaxweyne Joan Laporta, tababare Xavi Hernandez ayaa wali suuqa ka doonaya saddex saxeex oo waliba kala ah laba khad dhexe iyo daafac midig.
Sida laga soo xiganayo wargeyska Sport, Xavi ayaa doonaya saf ka kooban 22 ciyaaryahan oo kaliya kahor xilli ciyaareedka dambe taas oo ka dhigan in toddoba ama siddeed xiddig ay tahay in laga xaraasho Camp Nou.
Diritaanka ciyaartoyda ayaa ku adkayd Barca ilaa haatan suuqan iyadoo ciyaaryahanka kaliya ee a tagay yahay daafaca dhexe ee Samuel Umtiti oo ay heshiiskiisa wadajir ula kansaleen.
Clement Lenglet, Franck Kessie, Alex Collado, Ferran Torres iyo Eric Garcia ayaa iyagana dhammaantood lala xidhiidhinayaa iib.
Barca ayaa ku qasban inay deg-deg wax u iibiso si ay uga badbaado sharciga dhaqaalaha Yurub ee FFP isla markaana u awoodo inay horyaalka La Liga u diiwaan gashato saxeexyadeeda cusub.