XARAASH: Pochettino Oo Go’aan Gaadhay & SIDDEEDA Magac Ee Uu Chelsea Ka Dirayo

0
122

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha ay shalay kooxda Chelsea si rasmi ah u xaqiijisay inuu qandaraas saddex sano ah ugu soo wareegay ayaa durba lasoo warinayaa tiro ciyaartoy ah oo aan qorshihiisa Stamford Bridge kamid ahayn.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan 2022-23 ku dhammaysatay booska 12-aad ee Premier League iyagoo 38 kulan ka helay 44 dhibcood, tiradaas ayaa ah dhibcahoodii ugu hooseeyay tan iyo 1987-88 markii ay ka dhaadhaceen horyaalka heerka koowaad.

Kaddib markii ay xilli ciyaareedkaas isku bedeleen saddexda tababare ee kala ah Thomas Tuchel, Graham Potter iyo Frank Lampard ayuu haatan shaqada la wareegay Pochettino oo 1-da July si rasmi ah u shaqo gali doona.

Kahor inta uusan shaqada rasmi u bilaabin, Pochettino ayaa xidhiidh badan la samayn doona agaasimayaasha Chelsea si uu ugala hadlo xiddigaha uusan u baahnayn ee qaybta ka ah safka isku batay ee Blues.

Wargeyska Mirror ayaa shaaca ka qaaday tiraba siddeed ciyaaryahan oo Chelsea ka tirsan oo Poch doonayo inuusan ku bilaaban xilli ciyaareedka dambe.

Saddexda xiddig ee kale oo qudhoodu keydka kasoo muuqday kulankaas ayaa iyaguna ah Mateo Kovacic, Christian Pulisic iyo Joao Felix oo amaah ugaga yimid Atletico Madrid.

Mirror ayaa intaas ku daraya in Pochettino doonayo inuu safkiisa ka hareero dhiso da’yarta mustaqbalka ku leh kooxda sida Reece James, Badiashile iyo Levi Colwill halka calaamad su’aal saarantahay mustaqbalka Mason Mount.