Xaqiiqooyinka Kulanka Final-ka Carabao Cup-ka Dhexmari Doona Liverpool Iyo Newcastle.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa galabta oo Axad ah garoonka Wembley stadium kula ciyaari doonta kooxda Newcastle kulan ka tirsan Final-ka Carabao Cup-ka.

Liverpool ayaa kulanka Soo galaya iyaga oo doonaya ku Guulaysiga koobka markii 2-aad oo xidhiidh ah maadama ay ku guulaysteen xilli ciyaareedkii hore.

Hadaba waxa aan halkan ku Soo bandhigo doonaa xaqiiqooyinka kulanka.

  • Liverpool ayaa ka qayb galeysa finalka 15-aad ee League Cup-ka (iyaga shan ka badan kooxaha kale) waxayna qaadeen koobka 10 jeer (laba ka badan kooxaha kale).
  • Labada kooxood ayaa hal mar oo hore isaga horyimid finalka koobka maxaliga ah, iyadoo Liverpool ay 1974-tii ku badisay 3-0.
  • Reds ayaa ku guuleysatay 18 koob oo gudaha Ingiriiska ah (10 League Cups,8 FA Cup) waxayna barbareyn kartaa Manchester United oo 19 koob ah haddii ay badiso.
  • Afartii jeer ee ugu dambeysay kooxda heysata koobka League Cup ayaa gaartay finalka, waxay kor u qaaday koobka – Manchester United 2009-10 iyo Manchester City 2018-19, 2019-20 iyo 2020-21.
  • Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonka Wembley tartamada oo dhan tan iyo markii ay guuldaro 4-1 ah kala kulmeen Tottenham Hotspur bishii October 2017.
  • Reds 10kii guulood ee finalka League Cup, kaliya labo ayaa yimid gudaha 90 daqiiqo (Bolton Wanderers 1995 iyo Manchester United 2003).
  • Liverpool waa kooxdii ugu horeysay ee gaadha finalka xilli ciyaareed xiriir ah iyada oo ay hogaaminayaan Laba tababare oo kala duwan.
  • Arne Slot wuxuu noqon karaa tababarihii ugu horreeyay ee Reds tan iyo Joe Fagan 1984 oo ku guuleysta League Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.
  • Tani waxay noqon doontaa finalkii afaraad ee Slot oo uu hogaamiyo koox, iyadoo dhammaan seddexdii kulan ee hore ay ku dhammaatay 1-0 markii uu  ku hogaaminayay Feyenoord.
  • Tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horeysay ee Carabao Cup Sebtember 2023, Cody Gakpo ayaa dhaliyay sagaal gool 11 kulan oo uu saftay tartanka (shan ayuu ka badan yahay ciyaaryahan kasta oo kale). Shanta gool ee uu dhaliyay xilli ciyaareedkii 2024-25 ayaa ah goolashii ugu badnaa ee uu ciyaartoy Reds dhaliyay hal olole oo League Cup tan iyo Robbie Fowler oo dhaliyay lix gool xilli ciyaareedkii 2000-01
  • Mohamed Salah ayaa si toos ah ugu lug lahaa 18 gool 16 kulan oo uu ka horyimid Newcastle kooxda Liverpool tartamada oo dhan (10 gool, sideed caawiye). Kaliya kulankii Manchester United (22) iyo Manchester City (21) ayuu wax badan ku lug lahaa.
  • Kow iyo toban ka mid ah 15-kii gool ee ugu dambeeyay ee Reds ay ka dhalisay Newcastle waxaa dhaliyay Salah ama caawiyay (todobo).
  • Diogo Jota ayaa dhaliyay shan gool shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu ku soo bilowday Carabao Cup.
  • Liverpool ayaa 27 ciyaartoy u isticmaashay tartankan xilli ciyaareedkan, iyadoo Gakpo, Alexis Mac Allister, Darwin Nunez iyo Jarell Quansah ay wada ciyaareen dhammaan shantii kulan. Kaliya Gakpo ayaa bilaabay dhamaantood.
  • Virgil van Dijk ayaa loo doortay laacibkii ugu fiicnaa ciyaartii 2022 iyo 2024 ee Carabao Cup. Ma jiro ciyaaryahan weligii ku mutaystay sharafta saddex jeer.
  • Caoimhin Kelleher ayaa Reds ka badbaadiyay rigooreyaal badan 6 rikoodhayaal ah marka loo eego goolhaye kasta oo taariikhda kooxda soo maray. Afartii rigoore ee uu wajahayu waxa uu ka mid ahaa kooxdii guusha raacday.
  • Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin 17-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Newcastle tan iyo guuldaradii 2/0 ah ee ka soo gaadhay St. James Park December 2015.
  • Koobkii ugu dambeeyay ee Newcastle oo ay ku qaado maxalli ah waxay ahayd 1955 FA Cup, waxayna 3-1 ku garaacday Manchester City ciyaar ka dhacday Wembley.
  • Kow iyo toban ka mid ah ciyaartoydii ku ciyaartay kulanka United ee ka dhacay Wembley ayaa weli ku sugan St. James’ Park.
  • Alexander Isak ayaa gacan ku lahaa afar gool shantii kulan ee uu ka horyimid Liverpool (saddex gool, hal caawiye – dhammaan Premier League).
  • Newcastle ayaa kaliya ku guuldareysatay inay gool dhaliso labo ka mid ah 22-kii kulan ee ugu danbeysay – guuldarooyin horyaalka ah oo ay kala kulmeen Manchester City iyo Liverpool.