Xaqiiqooyin aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka caawa garoonka Camp Nou ku dhexmaraya Barcelona iyo Napoli ee Champions League

0
154

(Barcelona) 08 Agoosto 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou caawa ku soo dhoweynaysa naadiga Napoli lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League.

Kulankii hore ee ka dhacay Waddanka Talyaaniga ayaa ku soo dhammaaday barbaro 1-1, labadaan kooxood ayaa mid waliba waxa ay caawa u baahan tahay inay gaarto wareegga siddeed dhammaadka tartankan.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kula wadaagaynaa xaqiiqooyinka laga qoray kulankan weyn:-

>- Barcelona ayaa qarka u saaran inay martigeliso Napoli markii ugu horreysay ciyaar tartan rasmi ah, Kooxdii ugu dambeysay ee ku guuleysata garoonkeeda Camp Nou kulan Champions League ah waxa ay aheyd Rubin Kazan bishii October 2009, waxaana markaas looga adkaaday 2-1.

>- Napoli ayaa labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay marti ahaayeen tartanka Champions League heerkiisa bug-baxa ama knockout waxa ay la kulantay guuldarro, waxaana ay khasaaro 1-4 ay kala kulmeen Chelsea bishii Maarso 2012-kii, halka 1-3 ay ka soo qaateen Real Madrid bishii Febraayo sanadkii 2017-kii.

>- Kooxda Barcelona ayaa soo baxaysay mid kasta oo ka mid ah 19-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo knockout-ka Champions League kaddib marka ay guuldarro ka fogaadaan iyagoo lugta hore ka maqan garoonkooda oo marti ah, kaliya hal kulan ayay hartay iyadoo guuldarro ka fogaatay lugta hore waxaana kulankaasi uu ahaa siddeed dhammaadka kal ciyaareedkii 2002-03 markaasna waxaa reebtay Juventus kulan lugtii hore ku dhammaaday 1-1 ayaa looga adkaaday lugtii labaad 1-2.

>- Napoli ayaa guuleysatay kaliya hal jeer 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Champions League ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, waxaana ay la soo kulantay 4 barbaro iyo 5 guuldarro, iyadoo guul 3-2 ka soo gaartay naadiga Bull Salzburg bishii October 2019, si kastaba ha noqotee waa guuldarro la’aan saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay xilli ciyaareedkan bannaanka ku soo ciyaareen waxaana ay haysataa 1 guul iyo 2 barbaro.

>- Barcelona ayaa 35 kulan oo garoonkeeda ay ku ciyaartay Champions League guuldarro la’aan ah, waxaana ay haystaan 31 guul iyo 4 barbaro marka ay gurigooda ku dheelayaa, waxaana heerkii labaad ee ugu dheeraa European Cup/Champions League, iyagoo ka dambeeya Bayern Munich oo 43 kulan aan gurigooda looga adkaan intii u dhexeysay 1969 iyo 1991.

Gool FM.