(Munich) 08 Agoosto 2020.Chelsea ayaa u safreysa Kooxda Bayern Munich si ay ula soo ciyaarto caawa lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League.
Kooxda reer England ee Blues ayaa doonaysa inay dhinaca kale u rogto natiijo 3-0 oo looga soo adkaatay kulankii ka dhacay Galbeedka Magaalada London ee lugta hore 16-ka Champions League bishii Febraayo.
Wax badan ayaa dhacay lixdii bilood ee ugu dambeysay markii ay labadaan koox kulmeen, laakiin Bayern ayaa weli ah kooxda ugu cadcad inay u gudubto wareegga siddeed dhammaadka Champions League.
Kooxda Bayern Munich haddii ay soo gudubto caawa waxa ay siddeed dhammaadka Champions League ku wajahaysaa kooxdiis oo baxda caawa Barcelona iyo Napoli.
Haddaba waxaan halkaan hoose idin kula wadaagaynaa xaqiiqooyinka laga qoray kulankan weyn:-
>- Bayern Munich ayaa kaliya martigelisay Chelsea hal jeer oo hore ciyaar tartan rasmi ah, iyagoo markaas ku badiyay 3-2 bishii April ee sanadkii 2005 kulan qeyb ka ahaa Champions League, iyadoo tababaraha haatan ee Chelsea, Frank Lampard uu dhaliyay goolka furitaanka ee Blues.
>- Chelsea iyo Bayern Munich ayaa kulankoodii ugu dambeeyey ee garoonka Allianz Arena waxa ay ku wada ciyaareen Final-ka Champions League, iyadoo Blues ay markaas ku adku adkaatay rigooreyaal kaddib markii la isku marki waayey barbaro 1-1 ah.
>- Taariikhda oo dhan European Cup and Champions League, kooxna weligeed laga badinin marka ay soo dhaliso saddex ama in ka badan oo goolal ah lugtii hore ee wareegga knockout-ka iyadoo ku ciyaareysa meel ka baxsan garoonkeeda.
>- Chelsea ayaa guul la’aan ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Champions League ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kulammada knockout-ka, waxaana ay la soo kulantay 4 barbaro iyo 3 guuldarro, tan iyo markii ay 1-0 kaga soo adkaatay Benfica bishii Maarso 2012 ciyaar qeyb ka ahayd siddeed dhammaadka tartankan.
>- Bayern Munich ayaa guuleysatay todobadeedii kulan ee ugu horreeyey Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay dhaliyeen 27 gool, iyadoo laga dhaliyey kaliya 5 gool, kooxda kaliya ee guuleysatay siddeedeeda kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedka tartanka Champions League waa kooxda Barcelona oo guuleysatay sagaalkeedii kulan ee ugu horreeyey xilli ciyaareedkii 2002-03, ka hor inta aan tartankaas looga reebin siddeed dhammaadka.
Gool FM.