Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamullada caafimaadka ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya caabuq faafa oo indhaha ah oo ka dillaacay gobolkaas.
Kiisaskan ayaa aad looga soo sheegay magaalooyinka Mombasa iyo Kilifi, sida ay tebisay warbaahinta gudaha.
Dadka deegaanka ayaa lagula taliyay inay ilaaliyaan nadaafadda sida gacmo-dhaqidda, inay ka fogaadaan inay alaabaha shakhsiga ah wadaagaan oo aysanna taaban indhahooda.
Toddobaadkii hore, dowladda Tanzania ayaa digniin kasoo saaray arrintan kaddib markii 869 kiis oo xanuunka ah laga soo sheegay magaala ganacsi ee Dar es Salaam.
Xanuunka Conjunctivitis, oo sidoo kale loo yaqaanno cudurka indhuhu qofka casaadaan.Xanuunkan ayaa waxaa sababa xasaasiyad ama caabuq.
Calaamadihiisa waxaa ka mid ah guduud, barar, illin ka timaadda indhaha ama cuncun. Dadka qaar indhahooda waxaa ka yimaada dheecaan.