Xamaas oo sii deysay dhowr lahaysteyaal Israa’iiliyiin ah.

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay shan qof oo la haysteyaal Israa’iiliyiin ah, waxaana lagu wadaa in islamaanta ay mid kale ka sii daayaan Gaza, iyagoo ku beddelanaya boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Eliya Cohen oo 27 jir ah, Omer Shem Tov oo 22 jir ah, iyo Omer Wenker oo 23 jir ah kuwaasi oo dhammaantood laga soo qabtay goobtii uu ka dhacayay bandhig faneedka Nova markii ay Xamaas weerartay koonfurta Israel 7-dii October ee 2023-kii, ayaa lagu wareejiyay Laanqayrta Cas si loogu sii gudbiyo ciidamada Israel.

Tal Shoham oo 40 jir ah iyo Avera Mengistu oo 39 jir ah ayaa goor hore lagu sii daayay magaalada Rafah ee koonfurta Gaza.

La haystaha lixaad, Hisham Al-Sayed, oo 36 jir ah, ayaa la filayaa in laga sii daayo magaalada Gaza.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku jira wajiga koowaad ee xabbad-joojin bilaabatay 19-kii Jannaayo, wadahadallada wejiga labaad ayaa la qorsheeyay in ay billaabaan toddobaadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Saar.