Xamaas oo sheegtay in wada-hadallada cusub ee Israa’iil ay billowdeen

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajoodayaasheeda ay fureen wareeg cusub oo wadahadal ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza, saacado kadib markii Israa’iil ay qaadday weerar xooggan.

Taher al-Nounou, oo ah la taliyaha madaxa Xamaas, ayaa BBC u sheegay in wareeg cusub oo wada xaajood ah uu si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Dooxa maanta. Ma jirin wax shuruud ah oo labada dhinac ka soo baxay, waxaana miiska wada-hadallada saarnaa dhammaan qodobbada.

Israel Katz, wasiirka difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in wada xaajoodyada Xamaas ay dib ugu laabanayaan wadahadalada dadban ee Qadar si ay heshiis uga gaaraan la haystayaasha.

Katz ayaa ku tilmaamay tillaabadan “ka bixitaanki mawqifkii diidmada ee ay ilaa waqtigaas qaadanayeen”.