Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay taageersan yihiin dib u soo celinta xabad joojinta gudaha Marinka Qasa iyada oo loo marayo soo jeedin ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha, taasoo keeneysa in shan maxaabiis dheeraad ah loo sii daayo Israa’iil iyadoo lagu beddelanayo 50-maalmood oo xabad-joojin ah.
Khalil al-Hayyam, oo ka mid hogaamiyaasha ugu sarreeya ee Xamaas s meel ka baxsan Qasa, ayaa sheegay in kooxdu ay ansixisay heshiis qabyo ah oo ay soo direen dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in sidoo kale ay heleen qorshahan, waxayna u gudbiyeen “soo jeedin liddi ku ah dhexdhexaadiyeyaasha iyagoo si buuxda ula shaqeynaya Mareykanka”.
Haddii lagu heshiiyo, heshiiska xabbad-joojinta xaddidan ee cusub wuxuu ku soo beegmayaa ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga oo bilaabanaya maanta oo Axadda.
Sabtidii, xafiiska Netanyahu ayaa sheegay inuu qabtay wadatashi ku saabsan soo-jeedinta xabad-joojinta ka socota dhexdhexaadiyeyaasha.