Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xamaas ayaa sheegtay inay jiraan calaamado wanaagsan oo muujinaya bilaabashada wada-xaajoodyada wejiga labaad ee xabbad-joojinta Qasa, iyadoo wafdi ka socda kooxda ay dhexdhexaadiyeyaasha kula kulmeen magaalada Qaahir.
Xafiiska raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in Israa’iil aysan wafdi u diri doonin Dooxa berri oo lagu wado inay billowdaan wada-hadallada xabbad-joojinta.
Afhayeenka Xamaas Abdul Latif Al-Qanou ayaa sheegay in dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qadar ay muujinayaan calaamado horudhac ah oo wanaagsan, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Xamaas diyaar ugu tahay wada-xaajoodyada wejiga labaad.