Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen Arday dhamaysatay xirfadaha kala duwan gacanta sida soolarka Alxanka iyo xirfado kale.
Munasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotay Wasaradda Waxbarashada maamulka xarunta K.T.I oo ah xarunta soo saartay ardaydan aqoonyahao iyo masuuliyiin ka socotay hayada save the children iyo marti sharaf kale