Xaanuunka Duumada oo fara ba’an ku haya Barakacayaaha ku dhaqan Kaam Xagar ee Degmada Dhoobley

0
173

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka xagar waxa uu kamid yahay kaamamka ku yaala dagmada  dhoobley ee gobalka jubada hoose  kaamkan  ayaa dhawaan dibu dajin loogu sameeyay qoysas  ka  soo baracay abaarta ku habsatay dalka.

Kaamkan ayaa waxa ku nool qoysas danyar ah oo ka soo barakacay Qeybo Ka tirsan Gobolka Jubbada hoose iyo gobalka Jubbada dhexe iyagoona soo miciin biday degmada dhoobley oo ay horay u sii joogeen baracayaal kale  walow ayna  helin adeegyada aas aasiga u ah nolosha bini aadmaka

Hadaba qaar kamid ah bulshada danyarta ee ku nool kaamkaasi oo aan waraysi layeelanay ayaa inooga warbixiyay xaaladooda nololeed iyagoona inoo sheegay in xanuunka duumada uu  sooritay qaar kamid ah caruurta ku nool kaamka maadama aysan haysan Shandarowooyin ay ka dugsadaan kaneecada, waxayna maamulka jubbaland iyo hay’adaha samafalka ka codsadeen in gar gaar Bini’aadanimo loo fidiyo, maadaama ay yihiin dad dan yar ah oo ay ka dhamaadeen xooli ay tabcanayeen.

Sidokale isagana waxaan geestiisa wareysi la yeelanay gudoomiyaha kaamka xagar ciise macalin jinow isagoona islamarkaasi inooga warbixiyay xaalada guud ee kaamka.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya