Xaallad kale ee cusub oo shaki galisay mustaqbalka Ronaldo ee Manchester United

0
180

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mustaqbalka xiddiga reer Portugal iyo kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa wali mugdi ku jira, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu doonayo inuu ka tago inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay ilo badan oo England ah, Cristiano Ronaldo ayaa gudbiyay codsi ah inuu ka tago kooxda Red Devils, sababa la xiriira rabitaankiisa ku aadan ka qaybgalka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, kaas oo kooxdu aysan ka qayb qaadan doonin.

Ronaldo ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxo dhowr ah sida Bayern Munich iyo kooxdiisii ​​hore ee Real Madrid, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa ka hadlaya xiisaha weyn ee ay Chelsea ka qabto helista adeegiisa, waxaana laga yaabaa inay tahay kooxda ugu dhow, ee ku guuleysan karta saxiixa ciyaaryahanka.

Wargayska AS ee ka soo baxa dalka Spain ayaa saaka oo isniin ah qoray in Cristiano Ronaldo uu seegay tababarkii ugu horeeyay ee Manchester United ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda taas oo keentay in su’aalo la iska waydiiyo mustaqbalkiisa Red Devils.

Yeelkeeda, Wargeyska ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in ka maqnaanshaha Cristiano ee tababarka aysan daruuri ahayn in lala xiriiriyo mustaqbalkiisa, balse laga yaabo inay la xiriirto arrimo qoys oo aan ilaa hadda la shaacin.