Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ayaa ka digay in dalka Suudaan ay dagaalladu halakeeyeen uu “ qarka u saaran yahay ” masiibo caafimaad oo soo wajahda dadweynaha dalkaas, iyadoo daacuunka iyo cudurrada kale ee dilaaga ah ay sii baahayaan.
Muddo hal todobaad ah oo kaliya, wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ayaa diiwaangelisay 172 qof oo u dhintay cudurka daacuunka, iyadoo xustay in inta badan kiisaska cusub laga diiwaan geliyay magaalada Khartoum, sida ay wasaaradda ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda facebook.
Dhakhaatiirta maxalliga ah oo soo xiganaya warbaahinta Suudaan ayaa ku warramay in weerarrada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay sababeen koronto la’aan ka jirtay xarumaha biyaha lagu sifeeyo, taasoo dadka deegaanka ku qasabtay inay isticmaalaan biyo wasakhaysan.