Xaalad Daawo yari ah oo soo wajahday Isbitaalka Deegaanka Dag-alima.

0
198

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxa qeybta Hooyda iyo Dhalaanka Isbitaalka Deegaanka Dag-alima ee Gobolka jubbada Drs Ayaan Hilawle ayaa waxa ay Radio Sanguuni uga warbixisay xaalad Daawo yari ah oo soo wajahday Isbitaalka Deegaanka Dag-alima oo ahaa mid ay adegyo kale duwan ka heli jireen bulshada ku nool Dag-alima iyo sido kale Tuulooyinka Hoos yimaada oo hada u muuqda kuwa wajahaya xaalad Daawo la’aan ah.

dadka ugu daran ee xilligan xaaladaha adag wajahaya ayaa u badan Hooyooyinka Ureyda ah oo ana heeleynin la tacaalid wax ku ool ah iyaga iyo uur jiifkoodu.

Drs ayaan ayaa Sheegtay in sido kale baahiyaha Isbitaalka ka jira ay kamid tahay gaadiid la’aan oo gabi ahaanba Isbitaalku laheyn gaadiidka Gurmadka dag daga ah ee lagu qaado bukaanada u baahan xaalad Caafimaad oo dag dag ah.

Ugu danbentii waxa ugu baaqaday Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ha’yadaha samafalka in wax laga qabto xalada Isbitaalka Deegaanka Dag-alima.

Qaar kamid ah Hooyooyinka ureyda ah ee ku nool Deegaanka Dag-alima ayaa kawarbixiyay caqabadaha ka jirta Isbitaalka oo ay sheegeen in ayna xiligan ka helin Daawoyin ku filan Isbitaalka.

Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay