Xaalad Caafimaad darro oo la soo daristay Barakacayasha ku nool kaam Xagar ee Degmada Dhoobley.

0
174

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kaamka xagar oo kamid ah kaamamka ku yaala degmada dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ka jira xaalado beni’aadanimo oo wax ka qabasho u baahan.

Caqabadaha xiligan ka jira kaamka xagar ayaa waxaa ka mid ah xaalado caafimaad darro maadaama kaamku uusan lahayn goob caafimaad oo shaqaynaysa,taasi oo dadka bukaanka ah kula tacaalan xaaladooda caafimaad.

Bulshada halkaasi ku nool ayaa inoo sheegay in  dadka daryeelka caafimaad u baahan ay daawo u soo raad sadaan isbitaalka guud ee dagmada dhoobley oo ay Masaafo dheer u jira halka ay dagan yihiin.

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamka xagar oo Radio Sanguuni la hadlay ayaa inooga warbixiyay xaaladaha caafimaad darro ee ka jira kaamka iyagoona ka codsaday maamulka iyo hayadaha samafalka in loo hirgaliyo xaruun caafimaad.

Maxamed Cali Samow. ayaa warbixintan inooga diyaariyay