Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha kubadda cagta ee Wolverhampton Wanderers iyo Liverpool ayaa caawa ciyaaraya kulanka ugu dambeeya horyaalka Igiriiska toddobaadkan.
Wolves ayaa soo dhoweyneysa Reds, iyadoo naadiga horyaalka difaacaneysa ay booqaneyso mid ka mid ah kooxaha ugu adag marka la eego naadiyada meel dhexaadka ah.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: England – Premier League
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Molineux Stadium
Garsooraha: Craig Pawson (England)
Wararka kooxaha:-
Tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa la rajeynayaa inuu kusoo bilaabo safkii ugu dambeeyay ee uu ku ciyaaray, waxaana kooxdan dhaawacyo gumaarka ah kaga maqnaan doona Daniel Podence iyo Marcal.
Raul Jimenez ayaa sidoo kale wali ku jira soo kabasho kaddib markii ay jug xooggan ka soo gaartay madaxa, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha aanan ciyaari doonin caawa.
Liverpool ayaa dhankeeda qiimeyn doonta xaaladda Roberto Firmino kaasoo dhaawac jilibka ah ku seegay labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa.
Jurgen Klopp ayaa la rajeynayaa inuu difaaca dhexe markale kusoo wada bilaabo Ozan Kabak iyo Nat Phillips kuwaasoo shabaqooda difaacday labadii jeer ee ay iska garab ciyaareen.
Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-
Fool Ka Fool
>- Kulankan waxa uu noqonayaa midkii 100-aad ee ay horyaalka Ingiriiska isku arkaan labadan koox, waxaana Reds dhanka guulaha ay ku hoggaamineysaa 52 guul, halka Wolves ay heysato 30 guul, taasoo ka dhigan in inta soo hartay ay barbarro yihiin.
>- Wolves ayaa siddeed guuldarro oo xiriir ah horyaalka kaga heysata Reds, waxayna caawa barbarreyn karaan rikoorka kooxda guuldarrooyinka xiriirka ah ee ugu badan ay kasoo gaartay oo ah Manchester City intii u dhexeysay 1902 illaa 1933.
>- Guusha kaliya ee ay Wolverhampton ka gaartay Liverpool 13-kii jeer ee ugu dambeysay oo ay Premier League wada ciyaaraan waxay timid sanadkii 2010, iyadoo Wolves ay dhalisay kaliya afar gool 13-kaas kulan.
>- Si kastaba ha ahaatee, Wolves ayaa labo jeer ku garaacday Kooxda Macallin Jurgen Klopp tartanka FA Cup, iyadoo kaga badisay Anfield 2017 iyo Molineux 2019.
Wolverhampton Wanderers
>- Wolves ayaa guuleysatay kaliya hal mar labo kulan oo is xigta oo ay Premier League ku ciyaartay garoonkeeda waxayna ahayd bishii July ee sanadkii hore iyadoo garaacday Everton iyo Crystal Palace.
>- Kooxda Macallin Nuno ayaa raadineysa markii labaad xilli ciyaareedkan inay shabaqeeda difaacato labo kulan oo si xigta oo horyaalka Premier League ah.
>- Wolves ayaa dhalisay goolka furitaanka ciyaarta kaliya hal jeer 18-kii kulan ee ugu dambeysay horyaalka Ingiriiska waxaana uu ahaa gool uu iska dhaliyay shabaq ilaaliyaha naadiga Leeds United ee Illan Meslier.
>- Adama Traore ayaa si caga-cageynaya 46 kulan oo uusan gool ka dhalin horyaalka Premier League.
Liverpool
>- Liverpool ayaa diiwaanka ku qoratay rikoorradii ugu xumaa taariikhdeeda Premier League tan iyo bilawgii February, waxaana xusid mudan inay heshay kaliya saddex dhibcood toddobo kulan oo ay ciyaartay.
>- Sagaalka guuldarro ee Reds soo gaaray xilli ciyaareedkan Premier League ayaa la mid ah wadarta guuldarrooyinkii kasoo gaaray horyaalka saddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.
>- Liverpool ayaa gool dhalin weysey siddeed ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, mana aysan dhicin in kulammo intaas ka badan ay horyaalka gool ka dhalin weyso tan iyo fasalkii 2011-12.
>- Goolka ugu dhaqsiyaha badan ee 13-kaas kulan dhalisay Liverpool waxaa dhaliyay Roberto Firmino daqiiqadahii lagu daray qaybtii hore ee ciyaartii ay la ciyaartay Tottenham Hotspur bishii January.
>- Diogo Jota ayaa Wolves u dhaliyay 33 gool oo Premier League kaddib 111 kulan oo uu saftay horyaalka Ingiriiska ka hor inta uusan kusoo biirin Liverpool sanadkii lasoo dhaafay.
Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:-