WHO oo sheegtay in 8,000 oo ka mid ah carruurta Qaza ay wajahayaan nafaqo darro

0
87

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa sheegay in iyadoo weli ay Qaza ka socdaan duqeymaha militari ee Israa’iil in ay nafaqo darro haysato carruur gaaraya 8,000.

Carruurtan ayay da’doodu ka hooseysa shan sano.

Dhanka kale, dowladda dalka Falastiin ayaa laga soo xigtay in duqeymaha lagu dilay 15,694 oo carruur ah.

Waxay intaasi ku dartay in 17,000 oo kale oo ubad ah iyo waalidiintooda ay weerarrada kala geeyeen.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha Israa’iil ee Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 37,202 qof halka la dhaawacay 84,932 ruux oo kale