Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa shaacisay in gobollo badan oo caalamka ka mid ah uu dib uga dillaacay cudurka daacuunka.
WHO ayaa laga soo xigtay in tan iyo billowgii sanadkan ay 24 waddan ka diiwaangelisay 195,000 oo ah xaaladaha daacuunka.
Waxaa muddadan gudaheeda xanuunkan u dhintay in ka badan 1,900 qof
Kiisaska ugu badan ee daacuunka ayaa laga diiwaangeliyay gobolka Bariga Mediterranean-ka waxaana soo raacda Afrika.