Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay Qaza ka dhigeen aag geeri oo lagu dhamaanaya.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in xaaladaha caafimaadka iyo baniaadannimo ee Qaza ay yihiin kuwo sii xumaanaya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 29,313 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 69,333 kale.