Wesley Fofana oo kooxdiisa Leicester City ku wargeliyey inuu doonayo inuu ku biiro Chelsea

0
179

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga Kooxda kubadda cagta Leicester City ee Wesley Fofana ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo dhinaca naadiga Chelsea.

Wargeyska The Guardian ayaa warinaya in Wesley Fofana uu ku wargaliyay Kooxdiisa Leicester City inuu doorbidayo inuu u dhaqaaqo dhanka Chelsea.

Kooxda Foxes lagu naynaaso ayaa soo diiday dalabkii ay Chelsea horay uga soo gudbisay, waxaana ay dalbanaysaa ugu yaraan 85 milyan oo gini haddii ay luminayso daafaceeda.

21-sano jirkaan Faransiiska ah ayay u badan tahay inuu ku biiri doono kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London ee Chelsea.