Arsène Wenger ayaa u sheegay shabakada “Bild” ee dalka Jarmalka:
“Waxaan ahay 71 jir, waxaan siiyay kooxdan sanadihii noloshayda ugu fiicnaa, waqtigan waxaan ahay kaliya taageere kooxda ah.”
Wenger ayaa sidoo kale muujiyay inuusan wax walwal ah ka qabin naadiga Gunners, inkasta oo ay kooxda si niyadjab leh ku bilaabatay saddexdii kulan ugu horreysay horyaalka, iyada oo sidoo kale ku guuldarreysatay in xitaa ay hal gool dhaliso, waxaa laga dhaliyay 9 gool, waxayna qeybta hoose ka hoggaamineysaa miisk kala sarreynta horyaalka.
Tababaraha rugcadaaga ah ee reer France ayaa intaa ku daray:
“Kooxda waxay ku jirtaa xaallad wanaagsan xilligan, kooxda waxay la ciyaartay Chelsea iyo Manchester City waana laba kulan oo aad u adag.”
Arsene Wenger ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:
“Arsenal waxay leedahay awood iyo karti wanaagsan, waxaana rajaynayaa inay soo laaban doonto.”