Weeraryahanka Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah oo xalay barbareeyey Cristiano Ronaldo

0
219

Mohamed Salah ayaa xalay kooxdiisa Reds u dhaliyey goolka daahfurka kulankii ay 4-0 uga adkaadeen Wolves ee horyaalka Premier League, waxaana uu sidaas ku barbareeyey Weeraryahanka haatan ka tirsan Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Masar ayaa xalay dhaliyey goolkiisii 84-aad ee horyaalka Premier League, waxaana uu sidaas ku barbareeyey Kabtanka xulka qaranka Portugal oo horyaalka Premier League muddadii uu u ciyaarayey Man United u soo dhaliyey 84-gool.

CR7 waxa ay ku qaadatay 196 kulan inuu 84 gool kaga dhaliyo horyaalka Premier League, halka Mohamed Salah ay ku qaadatay 131 kulan inuu 84 gool ku dhaliyo, waana in 65 kulan ka yar inta ay ku qaadatay Ronaldo inuu goolashaas ku dhaliyo.

Image