Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ola Aina ayaa ka fal celiyay wararka sheegaya in Mohamed Salah uu saxiixay heshiis cusub oo Liverpool ah.
Subaxnimadii jimcaha Liverpool ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Salah uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Anfield kaas oo loo malaynayo in uu kooxda ku sii hayn doono ilaa xagaaga 2027.
Ku dhawaaqista ayaa soo afjartay hadal hayn badan oo muddo dheer socotay kuna saabsanayd heshiiska Xiddiga.
Markii lagu wargaliyay Sky Sports News oo soo tebisay heshiiska Salah, daafaca Nottingham Forest ayaa muujiyay dareenkiisa xilli uu soo dhigay qoraal qosol leh oo uu soo dhigay baraha bulshada.
“Miyuu saxiixay? Maxamed mar kale ayuu saxiixay?,” daafaca dambeedka ayaa ku weydiiyay Snapchat, ka hor inta uusan sheegin: “Horyaalka waa ay u dhamaatay”.
“Wuxuu saxiixay? Qof kastaa dhib ayuu ku jiraa”ayuu sii raaciyay.