“Waxaan ku guuleysan karnaa horyaalka La Liga.” – Ronald Koeman

0
297

Barcelona ayaa xalay garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Levante, kaddib markii ay ga adkaatay 1-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Guushan ay gaartay kooxda Barcelona ayaa waxay ka dhigantahay inay kor ugu soo qaaday dhibcadeeda 17 dhibcood, Barca ayaana haatan fadhisa kaalinta siddeedaad ee dhanka kala sareynta horyaalka Spain.

Haddaba ciyaarta kaddib Ronald Koeman ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna yiri:

“Way nagu adkaatay maata inaan guul gaarno, laakiin ugu dambeyntii waxay aheyd guul aan u qalanay.”

“Haddii aan kalsooni badan ku qabno nafteenna, waxaan dhihi karnaa waxaan ugu cad-cadahay ku guuleysiga horyaalka LaLiga.”

“Marka nalaga badiyay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee banaanka aan ku ciyaarnay, waxaan u maleynayaa in dhaleeceynta ay tahay mid cadaalad ah, sababa la xiriira arrintan.”

“Laakiin waxan rajeynayaa inay jiraan waxyaabo badan oo aan si fiican u qabanay, isla markaana aan horumar ka sameyneyno.”.