Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Galmudug Mursal Cabdi Aadan ayaa magaalada dhuusamareeb ka daah furay shirka wadatashiga sharciga waxbarashada kaasoo socon doonaa muddo laba maalmood ah.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socda wasaaradda waxbarashada Galmudug, bahda waxbarashada iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha waxbarashada iyadoo ka qeyb galasha ay talooyin ku biirin doonaan sharcigan.
Prof Maxamed Cabdiweli sheekh Yuusuf oo ka mid ah la taliyasha wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in sharcigan uu fursad siinayo dhalinyarada hadda wax baran.
” Qorshahan wuxuu ku saabsan yahay sidii fursado loogu abuuri lahaa dhalinyarada hadda heysan waxbarashada sida kuwa xoolo dhaqatada .” ayuu yiri Prof Maxamed Cabdiweli sheekh Yuusuf oo ka mid ah la taliyasha wasaaradda waxbarashada Galmudug.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Galmudug Mursal Cabdi Aadan ayaa ku booriyay ka qeyb galayasha shirka inay talooyin ku biiriyaan sharcigan.
” Waxaan rajeynaya in mudada labada maalmood ee uu socdo shirka , inaad talooyin ku biirin doontan sharcigan oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada Galmudug, waxaa muhiim ah in sharcigan ay u hogaansaman bahda waxbarashada Galmudug, basle hadii sharciyada aysan u hogaansamin wax hagaagaya malahan.” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Galmudug Mursal Cabdi Aadan.